Uncategorized

Madaxweyne Xasan oo Kismaayo u duulay iyo ujeedka safarkiisa

iftineducation.com – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Goor dhaw  u duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana la sheegay in uu Magaalada Kismaayo kula Kulmi doono Madaxda Maamulka Jubba iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.


Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa Saaka siweyn loo Adkeeyay, waxaana Magaalada la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo sugaya Amaanka Magaalada.


Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubba oo lagu Magacaabo Gaboobe Xasan ayaa noo sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Amaanka Magaalada oo uu Booqanayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.


Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxda Maamulka Jubba kala hadlayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa Gobolka ay wali Gacanta ku hayaan Ee Jubbada dhexe.