Uncategorized

Maamulka Buula Burde oo Shaaciyay Ineysan Wax Ka Qaban Karin Wadooyinka Ay Xireen Al Shabab

iftineducation.com – Duqa Magaaladda Buula Burde ee Gobolka Hiiraan Cismaan Geedi ayaa ka hadlay dhibaatadda ka dhalatay Wadooyinka ay xireen Dagaalamayasha ay Al Shabab oo Degmadasi laga saaray Bishii Maarso ee Sanadkan.






Wariyaha Okesom ee Gobolka Hiiraan ayaa weydiiyay Duqa Degmadda Buula Burde xaaladda noloshadda dadka ku nool buula burde oo weli ay ka xaniban yihiin wadooyin badan oo lo marsiin lahaa gurmadka dhinaca bini’aadanimada waxana uu sheegay Cismaan Geedi in Weli wadooyinka qaar ay xiran yihiin balse aysan wax ka qaban karin  Maamul ahaan.






Al Shabab ayaa hore u xirtay Wadooyin badan oo gala Magaaladda Buula Burde oo hadda ay ka taagan tahay xaalad dhinaca macluusha la xiriirta iyadda oo ay caruurna hore ugu dhinteen macluul awgeed.