Uncategorized

Kulan Looga Hadlay Ammaanka oo Xalay Lagu Qabtay Muqdisho

iftineducation.com – Wasiiradda Gaashandhigga iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kamid ahaa Madaxdii Xalay ka qeybgashay Kulanka looga hadlay Ammaanka Caasimadda iyo Goboladda kale ee Dalka Soomaaliya.




Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya C/Raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa sido kale kamid ahaa Dadkii ka qeybgalay Kulankas oo ay xaadir ahaayeen Saraakiil ka kala socotay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.






Kulanka waxa looga hadlay arrimaha la xiriira Ammaanka Caasimadda Muqdisho iyo Howlgaladda ka dhan Xarakadda Al Shabab.




Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Sheegay in Wasaaradda Ammaanka iyo Taliyaha Nabadsugida ay aad u soo dhaweeyeen sida ay u socdaan howlgaladda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.