Uncategorized

Jawaari oo ugu baaqay Madaxweynaha in uu kala diro Xukuumada uuna soo da dajiyo Magacaabista R/Wasaaraha Cusub

iftineducation.com – Gudoomiyaha Baaralmaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in Degreeto Madaxweyne sida dastuurku qabo uu ku kala diro Xukuumada Soomaaliya.


Prof Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha in ay aqbalaan go’aanka Baarlamaanka ee sharciga ku dhisan.


‘’Sida uu qabo Dastuurka KMG iyo sharciyada inoo yaala waxaan madaxweynaha laga doonayaa in in uu Digreeto ku kala diro Xukuumada Soomaaliya maadama ay weysay Kalsoonida Baarlamaanka,waxaa sidoo kale Madaxweynaha laga doonayaa in mudo bil gudaheed uu R/Wasaare kusoo magacaabo’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.


Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in xiligan ay Dowlada Soomaaliya ay horyaalaan howlo adag waqtiga uuna ku yaryahay, waxa uuna Madaxweynaha ka codsaday in uu soo da dajiyo magacaabista R/Wasaaraha isaga oo sameenaya wadatashiyo badan.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaan wali ka hadlin go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta codka Kalsooniada kala noqdeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.