Uncategorized

isbadal ku yimid xafiiska XASAN iyo Saraakiil Ethiopian ah oo fara geliyay

iftineducation.com – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay faragalin adag ku heyso howlihii ka socday Xafiiska Madaxweynaha.


Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka socda Dowlada Ethiopia oo xiligaani ku sugan Madaxtooyada Somalia, ayaa waxa ay faraha kula jiraan magacaabista Xukuumada Cusub, waxa ayna Madaxweyne Xasan ku cadaadinayan xubno ay wataan.


Ethiopia ayaa waxa ay dooneysaa in wasiirka maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalana loo magacaabo ra’iisul wasaare, sidoo kalena xubno ay wadato la siiyo xilal wasiiro.


Dowlada Ethiopia, ayaa waxa ay Xukuumadii la riday ee C/weli Sheekh Axmed ku laheyd ilaa Afar Wasiir iyo ku-xigeeno ay iyada xilkaasi magacaabidiisa usoo dhameysay, waxa ayna hada u muuqaneysaa inay ku hamineyso inay Wasiiro cusub ku dhex yeelato Xukuumada Cusub.


Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu culeys kaasi lamid ah kasoo foodsaarayaa Dowladaha Ugandha, Kenya oo iyagu saaxiib dhow la ah DF Somalia, waxa ayna saf dheer ugu jiraan in Xukuumada Cusub ay ku dhex yeeshan Xubno u fududeeya danaha ay ka leeyihiin Somalia.


Lama Oga sida uu Madxaweyne Xasan ka yeeli doono faragalinta Ethiopia, Ugandha iyo Kenya oo u hamuunqaba inay Wasiiro ku yeeshan Xukuumadaani miiska saaran.