Uncategorized

Inka badan 20 qof oo ku geeriyooday musiibo ka dhacday Dalka Indonesia.

iftineducation.com – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku nafwaayey 80 kalena waa lagu la’yahay Roobab xoogan oo ka dhacay Gudaha wadanka Indonesia.






Roobabka xoogan ee ka da’ay qeybo ka mid ah wadanka Indonesia ayaa sababay in burbur xoogan iyo dhimishada 20 ruux halka tiro dad ah aan ilaa iminka meel lagu ogeyn, waxaana socdo baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo dadka ilaa iminka la la’yahay.






Dowlada Dalkaas ayaa sheegtay in ay maanta xooga saari doonto soo saarida dadka ilaa iminka la la’yahay waxa ayna xuseen in ay xireen dhamaan wadooyinka soo galo meelaha ay Musiibada ka dhacday si loo yareeyo khatar cusub oo timaado.