Uncategorized

ILO WAREED: Shabakadda iftin oo heshay shaqsiga noqon lahaa R/wasaaraha cusub

iftineducation.com – Maalmaha fooda nagu soo haayo, ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu Saxaafadda u soo bandhigo Ra’isul wasaarihii badalka u noqon lahaa Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo dhamaadkii todobaadkii tegay ay kalsoonidii kala laabteen 153 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.




Waxaa soo dhamaaday la tashiyo uu waday Madaxweynaha Soomaaliya  sida ay shabakadda iftin ku heleyso Ilo wareedyo, iyadoo kulan uu xalay  la yeeshay Xildhibanada  Iyo wax garad siyaasiyiin Soomaaliyeed, la isku raacay shaqsiga xilkaasi ku haboon.


Hadaba Maallmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo Mudane Bashiir Nuur Bidaar oo ah shaqsi ka soo jeedo Beesha Sade in uu u magacaabo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.


Dr Bashiir Nuur, ayaa kasoo jeeda Qoys caan ah, Waxana dhaley Madaxdii Laanta Socdaalka Nuur Bidaar. Isku soo wada Duub Siyaasi dr Bashiir ayaa Xilkan lagu wadaa inuu qabto, Maalmaha fooda nagu soo haayo  Walow  aay jiraan Rag kale oo tartan ugu jiro qabashada xilkaasi.


Dr Bashiir Nuur Bidaar oo uu dhalay Taliyhii hore ee Laanta Socdaalka Dowladii Kacaanka, ayaa ah aqoonyahan  marar badan oo hore ku soo dhowaaday  in uu xilkaan qabto waxaa uuna ka mid ahaa Musharaxinti 2012 u tartamay Xilka uu hada Haayo  Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.




Si kastaba ha ahaatee, xubnaha xilka u taagan in ay qabtaan waxaa sidoo kale ka mid ah, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dowladihii KMG ahaa, Xuseen Cabdi Xalane oo wasiirkii maaliyadda ahaa, Saciid Dani oo isaguna wasiir ahaa.





BY: Nuur Ismail Sheikh