Uncategorized

Gary Neville ” Manchester United Xalay Nasiibka Unbaa Saacidey Mooyee Ciyaar Wanaagsan Ma Aysan Soo Bandhigin”.

iftineducation.com – Daafacii hore ee kooxda Manchester United iyo weliba xulka qaranka Dalka England Gary Neville ayaa waxaa uu sheegey in kooxda Manchester United ay qaab ciyaareed aad iyo aad u liita in ay kala hor tagtey kooxda Southampton kulankii xalay ay guusha Manchester la soo hooyatey.


Manchester United ayaa xalay waxaa ay laba gool uga adkaatey kooxda Southampton, waxana ay sida ku soo fariisatey kaalinta 3aad dhanka kala horeynta horyaalka ingriiska.


” Waa sax oo kulankaasi guul bey gaareen balse sidii la yaaqaney in ay Manchester United u ciyaarto uma aysan ciyaarin, waxaa midaa kaga filan kubad hesashadooda, Muhiimadu iney seddexda dhibcood soo qaatan ayey aheyd iyadii wey sameyeen” ayuu yiri Neville.


” Si kastaba Manchester United waxaa ay aad ugu farxayaan natiijadda balse waxaan kula dardarmayaa in ay si wanaagsan u ciyaaraan” ayuu Neville sii yiri.