Uncategorized

Gabar u geeriyootay Shil uu geliyay Nin ay aad u jeclayd (Maxaa sababay.?)

iftineducation.com – Wade gaari oo da’yar ayaa la xiray ka dib markii shil gaari uu ku dilay Gabar ay saaxiibo ahaayeen.


Shilka ayaa dhacay xilli Jason Lewis, 23,oo ah wadaha gaariga indhihiisa hoos u foorareen ka dibna gaariga uu ka baxay seedkiisa,islamarkaana uu shil galay.


Maxkamada ayaa dacwadaan dhageysaneysay mudo lix isbuuc ah markii ay dhacday masiibadaan November 2013.


Haweeneyda la dilay ayaa ahayd saaxiibada ninka dilay waxayna dhacdadaan ku dhacday si mas’uuliyad daro ah oo ka timid dhanka wadaha gaariga,kaasi oo ku timid ka dib markuu isku dayay gaariga oo socda inuu dhulka ka soo qaato Moobilkiisa oo hoos ka yaalay.


Gaariga ayaa ku socday wadada Ebbw ee ku taalo South Wales.


Sidoo kale shilka gaari ayaa waxaa ku dhintay Mr Baynton, 21 oo qeyb ka ahaa rakaabka gaariga saarnaa.


Shilalka nuucaani ah ayaa ku badan dalka Uk,waxaana ninka shilka ku dilay saaxbtiis uu sheegay inuu aad ugu xun yahay shil dhacy uu ku waayay Qaalidiisa.