Uncategorized

Gaari ay leedahay xubin ka mida Golaha Deegaanka Kenya oo dab la qabad siiyay

iftineducation.com – Gaari ay leedahay mid ka mid ah xubnaha golaha wakiillada ee xisbiga New Ford Kenya Doris Nanyokia ayaa lagu soo waramayaa in dab la qabadsiiyay.


Koox aan heybtooda la garan dab qabadsiiyey gaariga Mrs Nanyokia si ay gurigeeda ku sugneed waxa ayna saxaafa u sheegtay inay maqashay dhawaaqa Alarmiga gaariga, kadibna ay soo toostay, Waxa ay sheegtay in markii ay isku dayday in ay damiso dabka gaariga la qabadsiiyay ay u suurta gali weysay, isla markaana aysan helin cid caawisa oo dariskeeda ah ama booliska toona.


Taliyaha Booliska Koonfurta Bungoma Kirunya Limbitu ayaa xaqiijiyay dhacdadaan waxaana uu sheegay in booliska ay hada wadaan baaritaano ku aadan.