Uncategorized

Dowladda Jarmalka oo Maanta Cambaareysay Weeraradii Ka Dhacay Waqooy-Bari Kenya

iftineducation.com – War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Dowladda Jarmalka ay ku leedahay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Dalka Jarmalka ay si xoogan u cambaareynayaan Weerarada Dambiyadda iyo Xasuuqa ah ee ka dhacay Magaaladda Mandheera.


Danjiraha Dolwadda Jarmalka u fadhiya Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya Andreas Peschke oo ka hadlay Weeraradda Ka dhacay Waqooy-Bari Dalka Kenya sida Warkasi lagu sheegay waxa uu shaaciyay in Dowladda Jarmalka ay Si qoto dheer ula wadageyso Tacsi qoysaska iyo saxiibada dadkii wax ku noqday weeraradii ka dhacay Dalka Kenya.


Sido kale Waxa lagu sheegay Warkasi qoraalka ah oo ay soo saartay Safaaradda Dowladda Jarmalka ay ku leedahay Dalka Kenya in dhamaan reer kenya ay si wada jir ah uga jawaabi doonan Weeraradasi Argagaxisanimadda taasna ay ku imaan karto Wada jir iyo in la midoobo.
Ugu dambeyntii Warkasi ayaa lagu shaaciyay in Dowladda Jarmalka ay sii wadi doonto taageerida Kenya iyo Dalalka kale ee Gobolka si loola dagaalamo oo looga hortago Argagixisadda Bariga Afrika.