Uncategorized

Dowlada Maxaa beenta ku kalifay -Beenaale

iftineducation.com – Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ayaa Warbaahinta Ka Sheegay Inay Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Gacanta Kusoo Dhigeen Xasan Xanafi Isagoo Ka Gudbaya Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya Una Socda Dhanka Kenya,


Xagee Joogaan Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Ee Xuduuda Ka Howl-Gala Ma Iyagaaba Gobalka Banaadir Dhaafsan,


Waxaa Horey Dowlada Kenya U Cadeysay Inay Xasan Xanafi Kasoo Qabatay Guri Ku Yaala Xaafada Islii Ee Nairobi Oo Uu Degnaa Isla Markaana Gacanta Ay Ugu Fiiqeen Soomaali Taqaanay Oo Islii Ku Noolaa Sidaasna Gacanta Loogu Soo Dhigay,


Markii Uu Warkaasi Soo Baxay Ayuu Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Ee Xiligaan Cabdiraxmaan Tuuryare Oo Markaasi Ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare U Tagay Nairobi Si Uu Dowlada Kenya Ugu Dhaadhiciyo Inay Xasan Xanafi Kusoo Wareejiso Dowlada Soomaaliya Maadaama Dambiyo Uu Ka Galay Gudaha Soomaaliya Cadeymo Badana Lagu Hayo,


Muddo Laga Joogo Afar Bilood   Ayay Dowlada Kenya Kasoo Jawaabtay Codsigaasi Waxaana Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho Keenay Afar Sarkaal Oo Ka Tirsan Sirdoonka Kenya Oo Wada Xasan Xanafi Kuwaasoo Si Sharaf Leh Ugu Wareejiyay Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.


Hadaba Dowlada Soomaaliya Ma Sharaf Bay Mooday Inay Ummadeeda Been Cad Ka iibiso Isla Markaana Afhayeenka Wasaarada Amniga Uu Si Cad Warbaahinta Horteeda Been Ka Sheego Yiraahdana Waxay Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Xasan Xanafi Kusoo Qabteen Isagoo Raba Inuu Gudaha U Galo Xuduuda Dalka Kenya, Dowlada Kenya Ee Sida Sharafta Leh Ugu Soo Wareejisay Maxbuuskaasi Maxay Hadalkaasi U Arki Kartaa Waa YAAB Runtii !!!