Uncategorized

Dowlada ingiriiska oo xadgub balaaran kula kacday qoys soomaali ah Daawo muuqaalka

iftineducation.com – Qoyskaan Soomaaliga ah oo ah hooyo iyo wiilkeeda oo mudo ka badan ilaa iyo 9 bilood ku noolaa dariiqa magaalada London islamarkaana hooy ka dhigtey mid ka mid ah Kuraasta


lagu nasto meel wado ah oo ay baabuurta ku badan tahay gaar ahaana wadada lagu magacaabo Tooting High Street oo ah wado saxmad ah oo ay baabuurto ku badan tahay ayaa


dhawaantaan waxaa qoyskaas soo wajahday xaalad caafimaad xumo ah ka dib markii ay u adkeysan waayeen roobka iyo dabaysha iyo qabowga ka soo gaarey banaanka ay ku nool


yihiin arintaas oo keentay in qoyskaas loola cararo isbitaalka, Hadaba dowlada hoose ee magaalada London oo ka faa’iideysanayso maqnaashaha qoyskaas ayaa waxay ku kaceen fal


ay ka xumaadeen qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ka dib markii ay si deg deg ah ay kursigii hoyga u ahaa qoyskaas Soomaaliyeed ay uga fujiyeen oo ayna gebi ahaantiisba ay


ka qaadeen goobtaas, Laakiin hooyadii qoyskaas ayaa markii ay isbitaalka ka soo baxday oo ay ku soo noqotey goobtaas markii ay ka weysay kursigii ay ku nooleyd waxay dhigatey


goobteedii kursi kale oo yar arintaas oo ka careysiisay dadka degaanka kuna tilmaamay inay dowlada hoose ay arinkii iyo xaaladii ay ku sii xumaysay qoyskaas Soomaaliyeed 


HALKAAN KA DAAWO