Uncategorized

Document: Shaqaalihii DFS ee Turkiga loo oo qaaday tallaabo aan laga fileyn

iftineducation.com – Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tababarrada loogu qaado dalka Turkiga, ayaa billaabay inay sameeyeen ficillo ka duwan ujeeddadii ay dowladda u dirtay.


Sida ku cad warqaddan ka soo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxaa dhowaan gaaray halkaas shaqaale loo qaaday tababar IT ah, balse laba maalmood kadibna waxaa baxsaday qara ka mid ah shaqaalaha.


Sida lagu sheegay warqadan ay heshay Caasimada Online oo safaaradda ay u dirtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, shaqaalaha baxsaday oo gaaraya illaa 4, ayaa usii gudbay dalka Greece.


Inkatsa oo aan la ogeyn sababta ay u baxsadeen, haddana waxaa loo maleynayaa inay doonayaan inay usii gudbaan dalalka kale ee Yurub, si ay halkaas isaga dhiibaan qaxootinimo.