Uncategorized

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ay Xukun ku riday Maxkamad ku taala dalka Finland

iftineducation.com – Afar qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa xukun ku diray maxkamad ku taala dalkaasi Filand, dadkan la xukumay ayaa lagu eedeeyay inay taakulayn dhaqaale ay u sameen jireen xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.






Maxkamad ku taala Magaalada Helsinki ee dalkaasi Filand ayaa cadeysay in afartan qof ay dhaqaale u ururin jireen Alshabaab kadibna ay u diri jireen, waxaana lasoo bandhigay cadeym lacagihii ay u diri jireen shabaab iyo cadadka lacagta oo sida ay sheegen dhamayd $39000.






Afartan qof ayaa la sheegay inay kala yihiin 3 nin iyo haweeney waxayna dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, waxayna mudo ku noolaayeen dalkaasi Filand, ma ahan markii ugu horeysay oo dhalinyaro Soomaaliyeed lagu soo eedeeyo inay kamid yihiin dagaal yahanada Alshabaab ee somaaliya ka dagaalama,iyo Ururka Isis ee ka dagaalama Ciraaq iyo Suuriya.