Uncategorized

Dhageyso: Amisom oo ka hadashey weerarki Xalane & xaalka oo isbadalay

iftineducation.com – Kooxo hubeysan oo ka tirsan ururka Alshabab ayaa weerar hubaysan ku qaadey Saldhiga AMISOM ee Xalane ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa la sheegayaa inay dableydu gudaha ugu galeen xarunta Amisom


Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud oo ka gaabsadey inuu ka hadlo khasaaraha weerarkan ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay iska caabin sameeyeen, ayna fashiliyeen weerarka.


Afhayeenka ayaa weydiisay Idaacada VOA qasaarahaha ka dhashay weerarka isagoona ka gaabsaday inuu faah faadhin ka bixiyo siday wax u dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay.


Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka.


Wararka madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM u dabaal degayeen ciida Kirismiska.