Uncategorized

DEG DEG: Masjid Soomaalida Sweden laheyd oo si xun loo gubay (Sawir)

iftineducation.com – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa waxa ay sheegayaan in wali uu gubanayo Masjidkii Soomaalida ee degmada Eskilstuna ku yaalay waxaana loo badinayaa oo iska cad inay gubeen dad cunsuriyiin ah .


Booliiska dalka Sweden ayaa baaritaano xoogan wada waxaana hareeraha Masjidka dhooban gawaarida dab-damiska kuwaas oo daminaya gubashada Masjidkaan .


Ilaa iyo hadda lama garanayo inta qof ee wax ku noqotay maadaama maanta dadku ay inta badan fasax ku jireen waxaana la xaqiijiyay in gudaha Masjidka ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed .