Uncategorized

Dadka Ceelbuur dega oo Xabsi xun la geliyay & arrimo naxdin leh oo ka jira

iftineducation.com – Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab dadka ku nool Degmada Ceelbuur iyo Tuulooyinka Hoosyimaada ay Dhibaato ay ku hayaan.


Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Al-shabaab ay Dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool Degmada iyo Toolooyinka hoostaga ay Al-shabaab u sheegeen in hadii ay qaataan Raashin Gar gaar ah oo Ceelbuur yaala la dili doono cidii qaadata Raashinkaasi.


Sidoo kale Gudoomiyaha Ceelbuur  ayaa sheegay in Al-shabaab ay dadka ku Amreen in aysan Magaalada Ceelbuur gali karin islamarkaana aysan u dul qaadan doonin Maamulkiisa Arrintaas.


Al-shabaab ayaa laga saaray Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Bishii March ee Sanadkaan,waxaana Degmada ilaa xiligaa ka taagan Xaalada adag oo Dhanka Nolosha ah.