Uncategorized

DAAWO SOMALILAND: Diyaarad ugu Horeysay ee Lagu Farsameeyay Hargeysa Oo Maanta La Tijaabiyey

iftineducation.com – Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo bandhigay Diyaarad yar oo Helicopter ah, taasi oo uu hindisay farsamo-yaqaan u dhashay Somaliland.




Diyaaraddan Yar oo maanta la tijaabiyey ayaa waxa hindisay Muwaadin lagu Magacaabo Eng. Siciid, kaasi oo muddo 8 sanadood ah kaligii ku hawlanaa inuu hirgeliyo fikirkiisa ah inuu kiciyo diyaaraddan.




Eng. Siciid ayaa maanta gelinkii hore istaadhay diyaaraddaasi oo la mid ah diyaaradaha adduunka ee sida Qumuutiga ah u kaca. Laakiin diyaaraddaasi ayaa tijaabadeedu ku ekaatay inay wareegaan Marawaxadaha xagga sare kaga yaalla, hasa-yeeshee waxa u dhiman inay si toos ah dhulka uga duusho isla-markaana la soo dejiyo.




Eng. Siciid oo saxaafadda la hadlay tijaabada ka dib, ayaa waxa uu sheegay inuu sii wadayo dhamaystirka diyaaraddan si uu uga jibbo keeno himiladiisa ah inuu diyaaraddaasi kiciyo, si qaranku u adeegsado.




Siciid, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasta oo ku soo kordhinaysa fikir wax ka taraya hirgelinta hindihiisa iyo ciddii dhaqaale ku Maalgelinaysa, si qorshaha diyaaraddan lagu samaynayaa u taabbo qaado.


Halkaan Ka Daawo Muuqaalka