Uncategorized

Daawo Sawirro: Lixdii Nin ee xasuuqa fooshaxun ku laysay Ardeyda Pakistan

iftineducation.com – Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigtay Sawirada Lix nin oo la rumeesan yahay in iyagu ka dambeeyeen Weerar maalin kahor lagu qaaday Iskuul ay maamulaan Ciidamada Milatariga Dalka Pakistaan kaasoo kuyaala magaalada Peschawar.


Weerarkan ay fuliyeen Lixdan nin ee katirsanaa Xoogaga Daalibaan ee ka dagaalama Dalka Pakistan waxaa ku dhintay 132-Caruur ah iyo sidoo kale Macalimiin iyo shaqaale kale oo katirsanaa Iskuulka la weeraray.


Kooxda Daalibaan ayaa soo bandhigtay sawiro ay a qaaday Lixda Nin ee xasuuqay Caruurta aadka u yar yaraa kahor inta aysan weerarka geesan, waxa ayna ragan wataan oo ay isku sawireen qoryo kala duwan.


Sawiro laga soo qaaday sidoo kale Iskuulkii la weeraray ayaa waxaa ka muuqanaya dhacdooyin argagax leh, waxaana Gudaha Iskuulka daadsanaa dhiiga caruur badan oo la laayay, iyo sidoo kale buugaagtii ay caruurtaasi wax ku baranayeen.