Uncategorized

Daawo murugada haysata duuliye diyaarad oo daacish gacanta u galay

iftineducation.com – Afhayeen u hadlay ururka Daacish ama ISIS ee ka dagaalamaya deegaanka Al Raqqa ee waqooyiga Siiriya ayaa sheegay inay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee xulafada Maraykanka.
Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradan laga leeyahay wadanka Jordan (Urdun) oo kamid ah dalalka xulafada kula ah Maraykanka duqeynta lagu wado kooxda ISIS ee Siiriya iyo Ciraaq.
Qaar kamid ah goobaha Internetka ee lagu taageero kooxda ISIS ayaa lagu soo bandhigay sawirka duuliyihiin diyaaradaasi oo nool isla markaana ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada ISIS.
Dowlada Jordan ayaan weli ka hadlin diyaarada la sheegay in maanta oo Arbaca ah looga soo riday wadanka Siiriya.
Maaha markii ugu horeysay oo diyaaradaha ka qeyb qaadanaya duqeynta ISIS ay soo dhacaan waxaa horey uga dhintay Maraykanka mid kamid ah duuliyayaashooda diyaaradaha F16 oo la sheegay inay la dhacday diyaaradiisa kadib wax lagu sheegay cilad farsamo.
Balse kooxda ISIS ayaa marar hore internetka ku baahiyey in ay horey usoo rideen diyaarado kala duwan oo ay leeyihiin dowladaha uu Maraykanka hogaaminayo, walow warbixinadaasi hore aan loo heyn wax xaqiijiya.