Uncategorized

Daawo:- Banaanbax Islaam Naceyb ah oo ka dhacay magaalada Dresden

iftineducation.com – Dibad bax ka dhan ah Islaamka oo ay soo qaban qaabiyeen, kooxaha xag jirka Naasiga cusub ee dalka Jarmalka ayaa ka dhacay magaalada Dresden ee dalkaas, waxaana isku soo baxan oo noqonaya kii labaad ka gayb galay kumanaan dad ah oo ka tirsan ururka isku magacaaba waddaniyiinta Qaarada Yurub ee [PEGIDA].


Ururkan oo la aasasay bishii hore ee October ayay ku bahoobeen kooxaha islaam nacaybku saaqay, waxaanay isu soo baxoodan ku qaadayeen, heesaha dadka Masiixiyiintu qaadaan Ciida Kirismiska iyo kuwo kale oo waddani ah.


Hoos ka Daawo




Waxa dibad baxan Islaam nacaybka ah si kulul u canbaareeyay xisbiyada siyaada ee dalkaas iyo ururada xuquuqda aadamiga u dooda, kuwaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in mudaharaadyo cunsuriyadaysan oo noocan oo kale ahi ka dhacaan dalka Jarmalka, waxaana dadka canbaareeyay ka mid ah Raysal Wasaaraha dalkaas Angela Merkel


RIIX HALKAANKA DAAWO MUUQAALKA