Uncategorized

Daacish oo soo bandhigtay Video ay kasoo duubtay Duuliyihii ay qabteen

iftineducation.com – Duuliyihii Reer Urdub Mucaad ayaa kasoo muuqday Vedio ay soo saartay Daacish isagoo labisan dharka ay Daacish u xiraan marka ay qofka Dal-dalayaan.


Duuliyahan ayaa lasoo riday diyaarad uu saarnaa, waxaana gacanta ku dhigay xoogaga Daacish oo gacanta ku haya dhul badan oo ka tirsan Ciraaq iyo suuriya.


Duuliyahan waday diyaaradaha militariga ee duqeenayey kooxda ISIS ayaa lagu magacaabaa Mucathib Al Kacasebex waana 26 jir u dhashay dalka Urdun.


Wareysigan ayaa lagu shaaciyey jariirada internetka lagu faafiyo ee ISIS leedahay DABIQ, taasi oo ku qoran luuqada Ingiriiska.


Urdun waxaa ay ka mid tahay dalal Carab ah oo ku taageeray Mareykanka dagaalkiisa ka dhanka ah Daacish.
Askarigan kamid ah ciidamada Cirka ee Jordan ayaa wareysigan lala yeeshay ku sheegay qaabkii lagu soo riday diyaaradii uu waday oo kusoo dhacday duleedka magaalada Al Raqqa ee waqooyiga wadanka Siiriya.
Su’aasha ugu danbeysa ee wareysigan ayaa la weydiinayaan duuliyahaasi waxa uu filayo inay ku sameyn doonaan kooxda ISIS, isagoo taasi uga jawaabay inuu filayo inay dhawaan dili doonaan.


Dhinaca kale warar kasoo baxaya Urudun waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Wada hadal qarsoodi ah oo u socda Urdun iyo Daacish oo ku saabsan sii deynta Duuliyaha.


riix halkaan ka daawo muuqaalka