Uncategorized

Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Diblumaasiyiin: Sawirro

iftineducation.com – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kulammo la qaatay safiirrada Somalia u jooga dallaka Jabuuti, Turkiga iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia. Kulamadan ayaa isugu jiray salaan, hambalyo iyo  is-barasho.


Danjirayaashan ayaa soo gaarsiiyay RW Sharma’arke hambalyo ay uga sideen madaxda dalalkooda iyo xoghayha guud ee QM, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowladda Somalia.cumar-shirar-1Sidoo kale, kulamadan ayaa la isku-dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo sidii xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada-shaqayn u dhexmari lahayd, isla markaana horay loogu sii wadi lahaa horumarka ay sannadihii u dambeeyay ee ay Somalia ku tallaabsatay; iyadoo danjirayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabista ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.


Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa uga mahad-celiyay wakiilladii uu la kulmay dhambaallada ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab-taagan yihiin dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in  xukuumadda uu soo dhisi doonana ay sii xoojinayso cilaaqaadka kala dhexeeya caalamka.