Uncategorized

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay ka baxayaan Dhismaha Jaamacada Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne

iftineducation.com – Ciidanka Militariga Itoobiya oo qayb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay balanqaadeen in ay diyaar u yihiin, inay baneeyaan Dhismaha Jaamacadda Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne.


Korneyl Maria M. oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu maanta sheegay in ay qorsheynayaan, sidii ay uga bixi lahaayeen Dhismaha Jaamacadda Gobolka Hiiraan.


Sarkaalka wuxuu sheegay inay ardayda Gobolka Hiiraan u faarujin doonaan goobtooda waxbarasho, iyadoo laga duulaayo xoojinta waxbarashada Gobolka Hiiraan, sida uu yiri.


Waxa uu intaa ku daray in koronto/leer iyo biyaba ay siin doonaan Dhismaha Xarunta Jaamacadda Gobolka Hiiraan, si loogu faa’iideeyo ardayda wax ka barata, sida uu yiri.


Hadalkaan wuxuu ka sheegay xaflad qalan jebin ah oo lagu qabtay Magaalada Baladweyne, iyadoo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ilaa 50 arday, oo dhameysatay heerarka kala duwan ee waxbarashada.