Uncategorized

Cabista Kafeega Oo La Joogteeyo Oo Hoos U Dhigta Cudurka Macaanka

iftineducation.com – Jaamacadda College of London, ayaa cilmi-baadhisteedan ku sheegtay in shaaha amma kafeegu 25% hoos u dhigaan cudurrada ka dhasha


Haddii qofku cabbo maalin kasta saddex koob oo kafee ah, waxa la ogaaday in khatarta macaanka uu ku qaadi lahaa hoos uga dhacayso, sida lagu iftiimiyey daraasad cusub oo laga qaaday 9,00 qof.


Cabbitaanka joogtada ah ee kafeega waxa la ogaaday inay xidhiidh la leedahay in dhiigga qofku hoos u dhaco, inkastoo aan daraasaddan cusub lagu sheegeen sababta ka dambaysa arrinkaas, iyagoo lidi ku noqotay cilmi-baadhisyo hore oo lagu xusay in kafeegu dhiigga xawligiisa kor u qaado.
Jaamacadda College of London, ayaa cilmi-baadhisteedan ku sheegtay in shaaha amma kafeegu 25% hoos u dhigaan cudurrada ka dhasha hab-dhiska kiimikaad ee cuntada lagu burburiyo, kaasoo uu u horreeyo macaanku, sababtoo ah waxa


ku jira maadooyin kiimikaad oo ka hortaga in dadku macaan qaadaan.


Cilmi-baadhiyaal ka socda mac-hadka Caafimaadka Dhimirka ee magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay bunku faa’iido badan u leeyahay maskaxda, keenana in qofku aannu isku buuq dareemin hadduu cabbistiisa joogteeyo.


Khubaradu waxa ay dadka ugu baaqeen inay aad u badsadaan cabbista kafeega, iyagoo sheegay in loo baahan yahay baadhitaanno dheeraad ah oo lagu sii sameeyo si daawo looga samayn karo, taasoo lagaga hortagi karo xannuunka macaanka.





Ibraahim Khadar Siciid


Source: Hadhwanaag