Uncategorized

Boqolaal ruux oo Soomaali ah oo lagu xir xiray dalka Angola, xilli hawlgal saf mareen ah laga sameeyay

iftineducation.com – Boqolaal ruux oo Soomaali ah, ayaa waxaa Jimcihii shalay lagu xir xiray dalka Angola, ka dib hawlgal saf mareen ah oo laga sameeyay Magaalada Luanda ee Xarunta Wadanka Angola.


Ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan Waaxda Socdaalka Angola, ayaa waxay shalay oo kaliya ay xabsiga dhigeen in ka badan saddex kun oo Muslimiin ah, oo ay ku jirto boqolaal ruux oo Soomaali ah.


Dadkaan, ayaa waxaa la kala xaqiijinayaan inay dalka si sharci ah ku jooggeen iyo in kale, iyadoo Jimcihii goobo fagaara ah leeskugu keenay, xilli ay u diyaar garoobayeen Salaaddii Jimcaha ahayd.


Boqolaal ruux waxaa laga soo dhex qab qabtay Masaajida, ka gadaal markii Ciidanka Booliska oo wata kabahooda ay gudaha u galleen Masaajidaasi. Taasina waxay ka careysiisay dadka Muslimiinta ah.         


Carab Maxamuud Ashkir, Xoghayaha Jaaliyada Somaliyeed ee Angola, ayaa wuxuu ku waramayaa in qudhiisa uu ka mid yahay dadkii hawlgalka lagu soo qab qabtay, wuxuuse Booliska iyo Waaxda Socdaalkuba uu ku eedeeyay inaanay eegin sharcigiisii, marka laga soo taggo inay ka qaadeen, xabsigana u taxaabeen.