Uncategorized

Barkhad Abdi Iyo Filmka Cusub Ee South Africa Uu Ku Jilayo 2015

iftineducation.com – Waxa iftin soo gaaray sawiradii ugu horeeyay film uu jilaayo actor-ka Somaliyeed ee Barkhad Abdi. Filmkan ayaa magaciisa la dhahaa Eye in the Sky ayaa waxa la jilaya Helen Mirren iyo Aaron Paul.


Qisada filmkan ayaa ku saabsan koox argagixiso ah oo Nairobi, Kenya saldhigoodu yahay oo ciidamada Mareykanka ugaarsanayan.


Filmka oo bilaabmay September ee sanadkan 2014 ayaa soo bixi doona 2015-ka. Duubista ‘Eye in the Sky’ ayaa haatan ka socota dalka South Africa waxana soo saare ka ah Gavin Hood waxaana qoray Guy Hibbert.