Uncategorized

Banaanbax Rabshada Wata oo ka Dhacay Boorame Gobolka Awdal

iftineducation.com – Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay xarunta gobolka Awadal ee Boorame ee maamulka Somaliland, kadib markii ciidamada amaanku ay xireen duqii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bille.


Ciidamada Booliska ayaa rasaasta wax disha kor u ridaayey iyaga oo isku dayey in ay kala cayriyaan dadka ka ka caraysan xariga duqii hore. Dhalinyarada banaanbaxa dhigaayey ayaa xirey jidadka waxaana ay gubayeen taayiro.


Sidoo kale Ciidamada Amniga ayaa xabsiga u taxaabey qaar badan oo kamid ahaa weriyaasha madaxa banaan e halkaas ka hawlgala kuwaas oo sawiro iyo muqaalo ka diyaarinaayey dadka banaanbaxa isugu yimid.


Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xariga loo geystey duqii hore ee Boorame.