Uncategorized

Baalayaasha Cadceeda Muqdisho oo dayactir lagu sameynayo

iftineducation.com – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay dayactir lagu samaynayo layrarka ku shaqeeya Cadceeda ee ifiya magaalada Muqdisho oo uu hirgeliyey dalka Turkiga, Maamulka ayaa beegsanayey baalayaasha aan layararkooda iftiin oo sababtay qaarkood in la qarxiyey.


Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax oo warbaahinta uga waramay howl galka dib u dayactirka baalayaasha Cadceeda ayuu sheegay in maamulka gobolka ay qorsheeyeen mar hore in la howl galo balse ay dib u dhac saameeyeen waxuu xusay in ay badeleen batariyaasha, Soolasrka iyo isku xir fiilooyin go’ay.

Saamaynta ay yeesheen shaqa la’aanta ku dhacday layrarkan ayuu afhayeenku sheegay in dadweynaha aysan isticmaali jirin goobaha ay ku yaalaan xiliga habeenka hadii aysan jirin Iftiin kale.

 
Baalayaashan ayaa qaarka mid ah ku yaalay goobo muhiim ah oo ay ka agdhow yihiin xarumo dowladeed, waxaana horay kooxda Al-shabaab qaar ka mid ku rakibtay qaraxyo ka dibna burbur xoogan uu ku yimid, halka kuwa kale cilado farsamo ku timid.