Uncategorized

Al-Shabaab oo war lama filaana kasoo saartay isdhiibistii ku xigeenkii Godane

iftineducation.com – Alshabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay kaga hadleen isa soo dhiibtaanka madaxdii sirdoonka kooxdaas iyo ku xigeenkii Godane oo shalay isku dhiibay dowladda Somalia.


Qoraalka Alshabaab oo lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa lagu sheegay in Sakariye Ismaaciil uu Alshabaab la shaqeynayay muddo hal sano ah, uuna markii dambe ku biiray dhanka dowlada Soomaaliya isagoo la sheegay inuu la shaqeynayay muddo ku dhow 11 bilood.


Waxaa qoraalka Alshabaab lagu cadeeyay in Sakariye uu in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, lana doonayo in soo shaacbixintiisa lagu daboolo weerarkii ay ku qaadeen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.


Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkaasi uusan wax shaqo u heyn Alshabaab sanadihii ugu dambeeyay, laakiin dowlada Soomaaliya ay ka dooneysay warbixino dhameystiran oo dhanka Alshabaab ah, sida qoraalka lagu sheegay.


Dhanka kale, Hayad Nabad sugida qaranka ayaa ka hadashay wararka ku aadan in dowlada Soomaaliya uu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo AMISOM.


War qoraal oo kasoo baxay taliska hayada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Alshabaab, kadib markii uu iska dhiibay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.


Hayada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa sheegtay in saacadaha soo socda ay warbixin dhameystiran kasoo saari Doonaan sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Ismaaciil Axmed oo Alshabaab ka tirsanaa.