Uncategorized

Afhayeenkii Amisom oo xilkiisa ku waayay muuqaal si sirah uu uduubay shalay daawo muuqaalka

iftineducation.com – War rasmi ah oo caawa ka soo baxay Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxaa shaqada looga eryaya Afhayeenkii Ciidamada Amisom Korneyl Cali Aadan Xumad.


 Amisom, ayaa waxay si cad u sheegtay inaanu Korneyl Cali Aadan Xumad Afhayeen u ahayn Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ee ka hawlgala Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.


Qoraalka, ayaa waxaa lagu yiri ” Amisom waxay qabatay  Ali aadan xumud  isagoo duubaya dagaalkii shalay  ka dhacay xerada Ciidanka Amisom sida darteed Ayuuna xilkiisa ku waayay Afhayeenka.


Wixii warar iyo macluumaad ah ee ku aadan Amisom, ayaa waxaa qoraalka lagu sheegay in lagala xiriiri karo Eloi Yao, oo buuxinaaya booskii Korneyl Xumad.


Hawlgalka Midowga Afrika ma kala cadayn baahida keentay in shaqada laga eryo Korneyl Xumad, laakiin waxaa la tuhunsan yahay in lagu heysto Wareysiyadii uu shalay ilaa maanta ka bixinaayay weerarka lagu qaaday Xarunta Amisom ee Xalane.


DAAWO MUUQAALKA