Uncategorized

7 Sababood Oo Bur-Buriya Qoysaska Iyo Sida Looga Hortago

iftineducation.com – Guurka waa xiriirka ugu adag uguna weyn taas oo ay in badan lagu sheegay quraanka kariimka Nabi Muxamed CSW-na uu in badan ka hadlay guurka ayaa lagu tilmaamaa aas aaska mujtamaca wanaagsan, maxaa yeelay labada xaas (ninka & naagta) waxay hiigsanayaan hal mustaqbal ula jeedkooduna waa hal kaliya, laakiin su’aasha ayaa waxay ka taagan tahay laba kasta oo is qabta ma yihin kuwa ku guuleysta xiriirkooda? Nafsadaada weydii su’aashan si wanaagsana u fukir waxadna heleysaa jawaabta ah: maya, waa sidan maxaa yeelay xariir walba oo aduunka korkiisa wuxuu leeyahay wajiyo kala duwan waxaadna ku arkeysaa qof ku dhaqmi kara durafahaasi kuna noolaan kara iyo qof aan ku dhaqmi Karin kuna noolaan Karin,  hadaba hadii ay dhacdo in ay isku dhacaan mar walba labada qofood ee is qaba ma jirto wada kele ee ku fikirayaan ilaa iyo furiin mooyee iyo in la dumiyo qoyska iyo gurigii qurxoonaa.

Hadaba iftin waxuu idin soo bandhigeyaa sababaha ugu muhiimsan uu ku yimaado furinka labada qofood ee is qabta:
1-Rabitaanka labada qofood oo noqda mid kala duwan:
Qofkasta rabitaankiisa iyo ula jeedkiisa waa mid asiga u qaas ah waana mid aad u muhiim ah waxaana muhiim ah in labada qofood ay ka wada hadlaan guurka ka hor si ay u gaaraan xal ka dhaxeeya labadooda, maxaa yeelay hadii ay ka wada hadlin rabitaankooda iyo qofwalba wuxuu hiigsanayo waxay dhibaato ku tahay in ay sii wadaan noloshooda guurka , sidaa darteed wadada ugu wanaagsan ayaa waxay tahay in ay wada fadhiistaan ayna wada hadlaan inta lagu gudi jiro haasaawaha, hadii kale halkaa waxaa ka imaan kara furiin.
2-Isticmaalka wax yaabaha maandooriska:
Waxaa hubaal ah in aadan jecleen adiga in uu noqdo qofka aad nolosha la wadaageyso  hadii uu ahaan lahaa ninn xaasle ah ama naagta xaaska ah mid caadeysta daroogada iyo wim ah maxaa yeelay caadeysiga wax yaabaha maanka dooriya waxay bur buriyaan guurka ama nolosha ka dhexeysa labada qofood, sababtoo ah shaqsiga isticmaala muqaadaraadka wuxuuba xakameyn Karin noloshiisa sidaa darteed sidoo si wanagsan uu ku xakameyn karaa nolosha xaaska, hadii labada qofood ee isqabta midkood uu yahay mid isticmaala wax yaabaha maanka dooriya waxaa halkaa ka imaanaya furiin waana xalka ugu wanaagsan.
3-Barbaarinta Caruurta:
Barbaarinta caruurta waa mid aad u adag waxaana muhiim ah in ay iskala qeyb qataan aabaha iyo hooyada barbaarinta ubadkooda, maxaa yeelay caruuruta waxay u baahan yihiin cuno cabid, daawo , jiif dheel , iyo nadaafad WIM. Waxaad arkeysaa hooyada kaligeed in ay u istaagto in ay qabato wax yabaha aan ka soo hadalnay oo dhan aabahana uu kaliya aado shaqadiisa uusan qabanin wax kale taasina waxaa lagu tilmaami karaa xaasidnimo maxaa yeelay hooyada kaligeed way ku adag tahay in ay qabato hadii aan lagu kaalmeynin, waxaana halakaa ka imaanaya isku dhac keeni kara furiin.
4-Xariirka oo aan wanaagsaneyn:
Hadii uu yahay qofka mid la dhibaatoonaya xiriirka ka dhaxeeya asiga iyo xaaskiisa waa in uu ka taxadiraa uuna isku dayaa in uu ogaado waxa sababay uuna raadiyaa waxa xal u noqon kara sida ugu dhaqsiyaha badan si uu halkaasi ugu imaanin furiin.
5-Arimo dhaqaale:
Sidoo kale waxay ka mid tahay waxyaabaha fashaliya guurka
6-Dhaqan oo xumaada:
Xiriir kasta oo noqda mid guuleysta wuxuu ku yimaadaa in ay is ixtiraamaan labada qofood ayna is qadariyaan waana waajib saaran labada qofood, sidoo kale hadii uu san jirin is ixtiraam iyo kala danbeyn waa hubaal in uu fashilmayo guurkaasi halkasina uu furiin ka imaanayo.
7-Qayaanada:
Wax yaabaha ugu horeeya ee guusha gaarsiiya guurka waa kalsoonida oo leysa siiyo, ninku waa in uu xaaskiisa u noqdaa daacad sidoo kalena naagtuna waa in ay ninkeedu u noqotaa daacad taasina waa mida kaliya uu ku guuleysan karo nolosha guurka, laakiin waxa ugu xun ee xiriir kasta ayaa wuxuu yahay qayaanada, sidaa darteed qayaanadu waa sheyga ugu weyn uguna horeya uu ku yimaado furiinka.

WD: C/qaadir Cumar Muxudiin