Uncategorized

4 Waxyaabood Oo Ay Haboontahay Inaad Marwalba U Samayso Xaaskaagi Hore Ee Aad Furtay Iyo….

iftineducation.com – Furiinka ka dib wuxay isku dayaan Aabe kasta iyo Hooyo kasta inay ilaaliyaan nolosha caruurtooda intii ay ka awoodaan, markii lakala tago ka dib howsha ugu wayn ayqabanayaan Aabaha iyo Hooyada ayaa waxay noqoneysaa sidii ay ku dhameystiri lahaayeen korsiimada Caruurtooda hadii ay lajoogaan Hooyada ama Aabaha

Sidaa darteed waxaa jiraan talooyin ku aadan sidii aad ku noqon lahay Aabe wanaagsan markii aad la qaadaneyso caruurtaada qeyb ka mid ah waqtigaaga.
1-Wanaaji xiiriirka xaaskaagi hore:
Hadii aad tahay mid aan raacsaneyn xaaskiisa oo aad kala tagteen taasi micneheedu ma ahan in uu xiriirku go’ay furiinka ka dib hadii ay dhaxdiinu ka jiraan caruur ee waxaa waajib kugu ah in aad wanaajiso xiriirka xaaskagi hore maxaa yeelay taasi waxay xoojineysaa dareenka Caruutaada, hana ku doodina marnaba caruurta hortooda, maxaa yeelay taasi waxyay ku dhalineysaa dareen aan wanaagsaneen iyadoo ay saameen ku yeelaneyso mustaqbalka noloshooda.
2-Kala qeyb qaado Noloshoodo iyo waxay maalinkii qabanayaan:
Noqo mid la soo hadla marwalba kalana qeyb gal munaasabadaha qaar iyo waxyaabaha gaarka ah ay qabanayaan, waxaa kaloo wanaagsan In aad aado oo aad isku daydo in aad u ka xeeyso iskuulka oo aad ka qeyb qaadataa markii uu jiro fadhiyada loogu tala galay waalidiinta maxaa yeelay waxay xoojineysaa xiriirkiina ayagoo u arkaya in ay agtaada ku weyn yihiin aadna daryeeleyso.
3-Sii qeyb ka mid ah waqtigaaga:
Inay kuu suuro gali wayso inaad la kulanto caruurtaada maalin kasta ayaa waxay ka dhigantaa inaad noqoto Aadbo ka gaabiyay waajibaadka ku aada caruurtiisa, isku day in aad u hesho waqtigaaga  qeyb ka mid ah ah si aad u xoojisa xiriirka ka dhaxeeya Aabaha iyo caruurtiisa maxaa yeelay waxay dareemayaan kala taga aad kala tagteen hooyadoo in aysan wax dhibaato ah  u geysaneeynin ayaga.
4-Dareensii Ayaga in aad wali tihiin hal qoys oo qura:
Hadii ay ogyihiin xitaa in xiriirka adiga iyo hooyadood ay tahay mid soo Af jarmay waxay u baahanyihiin caruurtu in ay arkaan wali in uu jiro xiriir idinka dhaxeeya labadiina, marka mas’uuliyada caruurta waa mid waajib ku ah Aaba kasta iyo hooyo kastaba waana in aad u istaagtaa doorka ku aada caruurtaada.
Hadii uu noqdo xiriikiina adiga iyo xaaskaaga mid soo idlaada yuusan saameyn ku yeelanin caruurtaad una qabo caruurtaada waxaad awoodo.
Hadii aad raacdo talooyinka aan soo sheegnay oo dhan waxaa hubaal ah in aad noqoneyso Aabe wanaagsan oo si fiican ula dhaqma xaaskiisii hore iyo caruurtiisa.