Uncategorized

Xannuunada Laga Qaado Isticmaalka Badan Ee kombuyuutarada

iftineducation.com – Dadka inta badan wax ku qora kombuyuutarada casriga ah iyo Ipod shaashada laga isticmaal, ayaa ay ka cawda muruqyo xannuun iyo dhabar xannuun sida cilmi-baiis cusub lagu iftiimiyey.


Khubarada daraasadan samaysay waxay sheegeen in qofku haddii uu muddo badan wax ku qoro kombuyuutarada laptop-ka ah, buuggaagta, Ipod-ka ay keenaan in jirka qaybo ka mid ah noqdaan qaar si xawli ah u shaqeeya, gaar ahaan maqaarka iyo muruqyada, haddii muruqyadu nasasho wayaan inta badana waxay keenta in qofku uu daalo,garbihiisuna noqdaan qaar xannuun dareema sida ay iftiimiyeen cilmi-barayaashan ka tirsan Jaamacadda Northern Illinois ee dalka Maraykanka.


“Muruqyadu haddii ay nasan wayaan oo daal dareemaan badan muddo xidhiidh ah waa arrin khatar ku ah qaab-dhismeedka muqurada, qofkana waxa ka lumi karta dheeli tirka jidhka, haddii qofku uu isticmaalo muddo badan kombuyuutar, waxna ku qoro waxay keenta in dhabarka iyo garbaha qofka xannuun ka soo asiibo,” ayuu yidhi Jeong Ho Kim oo daraasadan khubarada qortay hoggaaminaayey.


Daraasad ay sameeyeen khubaradan qalliinka ku takhasustay waxay bedka soo dhigeen in haddii qofku madaxiisa hoos u yahoo xagal 60 degre ah amma marka uu wax qoraayo ah waxay la mid tahay isagoo culays aad u badan saaray laf dhabarta, taasina ay keento in laf-dhabartu madhato.


Cilmi-baaristan oo lagu daabacay jariirada la yidhaa Applied Ergonomics, ayaa khubaradu ku sheegeen in dadka ay baadhitaanka ku sameeyeen oo aan lahayn markii hore dhabar xannuun ay yeesheen markay muddo badan isticmaalayeen kombuyuutarada , waxna ku qoraayeen.