Uncategorized

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la kulmey dhigiisa Talyaaniga (Sawiro)

iftineducation.com – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho rasmi ah maalintii shalay ku tegay Magaalada Rome ee Caasimada Dalka Talyaaniga ayaa xalay kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha Dibadda Talyaaniga Paolo Gentiloni kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya 2da dal iyo sidii loo sii laba jibbaari lahaa taageerada ay Dowladda Talyaaniga siiso Somaliya.



Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay casuumaadda ay u fidiyeen Madaxda dalka Talyaaniga iyo soo dhaweynta diirran oo ay u sameeyeen masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Italy iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Roma uu horkacayo Danjire Muuse Xasan Cabdulle.


Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale maanta oo jimco ah magaalada Rome uga qeybgalay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayay sidii loo xakameyn lahaa qatarta soo wajaheysa dadka soo-galootiga ah ee ka yimaada dalal kamid ah qaaradda afrika kuwaasoo doonaya inay soo galaan qaaradda Yurub iyagoo soo maraya badda mediterranean ka kadibna kasoo gala Yurub xeebaha dalka Talyaaniga waxaana shirkaasi soo qabanqaabiyay Ururka Midowga Yurub.



Wasiirka arrimaha Dibadda uu wehliyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga General Muuse Xasan Cabdulle ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkaas maanta ka furmay Magaalada Rome waxaana la filayaa in Wasiirka uu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Talyaaniga.