Uncategorized

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay weerar bambaano oo shalay (Khamiis) lala beegsaday goob basaska laga raaco!

iftineducation.com – Ugu yaraan 40 qof oo ay ku jiraan 5 askari ayaa ku dhintay weerar bambaano oo shalay (Khamiis) lala beegsaday goob basaska laga raaco.


Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Mubi ee gobalka Adamawa State ee waqooyiga dalkaasi Nigeria.


Qaraxan dadka badan ku dhinteen ayaa ah kii ugu weynaa oo todobaadyada ka dhaca dhulka Nigeria oo ay dagaalo ku dhexmarayaan kooxda Boko Xaram iyo ciidamada militariga.


Kooxda Boko Xaram ayaa sanadkan oo kaliya dilay dad gaaraya 1500 qof. Waxaana la sheegaa in dad gaaraya 1.5 milyan ku baro kaceen dagaalada ay kooxdaasi ka wado waqooyiga Nigeria.