Uncategorized

Maraykanka: Wiil la baadi goobayey 4 sano oo la helay

iftineducation.com – Wiil 13 sano jir ah oo la baadi-goobayey  muddo afar sano ah ayaa dib looga helay magaalada Atlanta ee gobalka Georgia dalkaasi Maraykanka.

Wiilkan ayaa laga helay gurigii uu lahaa Aabihiis oo lagu qarinayey sanadihii lasoo dhaafay.

Wiilkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa Aabihiis iyo xaas uu qabay ay si xoog ah ku heysteen ayaa fursad u helay inuu telefoon mobile ah oo uu helay fariin uga diro hooyadiis, isagoo u sheegay goobta lagu haysto.

Booliiska oo baaritaan ka sameeyey guriga aabaha wiilkan dhalay, ayaa markii hore waayey, balse saacado kadib ayey wiilkan ka heleen qol si qarsoodi ah looga sameeyey qeybta danbe ee gurigaasi.

Aabaha dhalay wiilkan oo la xiray ayaa in muddo ah ku doodayey inuusan ogeyn meesha uu jiro wiilkiisa. Illaa iyo hada macada sababta wiilkan loo heystay wakhtigaas dheer, Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan.