Uncategorized

Majaajilayste Ilkacase Oo Geeriyooday Kadib Markii…..

iftineducation.com – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajalistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Maxamuud Ilkacase.
Mareereye ku-xigeenka Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdikariim Jiir oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa xaqiijiyay geerida Cabdi Maxamuud Ilkacase,isagoona sheegay in xaalada majaajilistaha ay ahayd mid wanaagsan,laakiin tii rabi u timid.


Abwaanka ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Majaajliste Ilkacase laga heley Meydkiisa guriga oo ka deganaa Muqdisho duhurnimadii maanta,waxaana Abwaanka uu noo xaqiijiyay in xaalada caafimaad Allaha u naxriistee Cabdi Maxamuud Ilkacase ay aheyd mid wanaagsan hase yeeshee geeridan ay tahay mid naxdin leh oo ku soo boodo ah.










RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA