Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo ka digey mooshinka laga keenay Xukuumada C/wali

iftineducation.com – Xili maanta uu madaxweynaha Dowladda Puntland uu saxaafada kula hadlayey magaalada Boosaaso oo uu saaka gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayuu ku soo hadal qaaday khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Ra’iisal Wasaare C/wali Sheekh iyo Madaxweynaha, Sidoo kale waxa uu ka hadlay mooshinka laga keenay xukuumada.


Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay wakhtigan in aysan ahayn munaasib in baarlamaanka uu furo dood ku saabsan kalsooni kala noqosho iyo sidoo kale in ay abaabulaan mooshin lagu ridayo xukuumada hada jirta, Wuxuu xusay in mowqifka Puntland ay horay u sheegtay ayna aamin santahay hadii khilaafkan aan la dhamayn in aysan hirgelayn barnaamijka hiigsiga 2016.


Dr C/wali Gaas waxa uu talo iyo fikir ku darsaday qaabka loo xalin karo khilaafkan oo uu sheegay in saamayn xoogan ku yeeshay hanaankii wadashaqayn ee dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay in ay isla meel dhigaan qodobada ay isku khilaafsan yihiin xalna ka gaaraan iyagoo eegaya danta guud ee ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka 2016.


Dowladda Puntland ayaa horay dhowr jeer uga hadashay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafkan u dhaxeeya madaxda sare oo hadana saameeyey golayaasha dowladda, Puntland waxay  todobaadyadii u dambeeyey shirarka golaha wasiirada Puntland kaga hadashay khilaafkan iyadoo ka digeysan abaabulka khilaaf siyaasadaysan.