Uncategorized

Madaxweynaha Puntland oo booqday Goob lagu dhaqo Geela oo Ganacsato leedahay

iftineducation.com – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta Duleedka Magaalada Boosaaso gaar ahaan Togga Baalade oo xiga dhanka Qorax u dhaca ku booqday Ganacsato reer Puntland ah oo halkaasi ku dhaqda Geel islamarkaana Caanaha ay ka soo lisaan u iibkeena Gudaha Magaalada Boosaaso.

Dhaqashada xoolaha nool ayaa dhaqan soo jireen u ah Soomaalida waxana xusid mudan in maanta qeyb weyn ay ka tahay nolosheena iyo dhaqankeena, Puntland waxay kamid tahay meelaha sida weyn looga faa’iidaystay dhaqashada xoolaha nool ganacsatada iyo bulshada reer Puntland waxay ku dhiiran yihiin adkeynta dhaqanka soo jireenka ah.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday beer ku taal halkaas oo lagu beero dalaga noocyadiisa kala duwan waxana uu ganacsatada ku booriyey in ay laba jibaaraan dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan iyo beerashada Beeraha si dalka u noqdo mid horumara.

Ganacsatada iskaleh  Geela ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku martiqaaday Horuub Gaal caano geel ah oo markaas la lisay,waxana uu madaxweynuhu ganacsatadaas ku dhiiri geliyey in ay laba jibaaraan dadaalka ay wadaan.






-DHAMMAAD-