Uncategorized

Maalinta Isniinta oo mar kale Mooshinka ka dhanka Xukuumadda la horgeynaayo Baarlamaanka

iftineducation.com – Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in mooshinka ka dhanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la horkeenayo Baarlamaanka maalinta isniinta ee soo socota.


Mr Maxamed Cismaan Jawaari oo saxaafadda kula hadlayay Muqdisho xilli uu kusii jeeday dalka Jabuuti maanta oo jimce ayaa sheegay in mudaneyaasha Baarlamaanka loo qeybin doono mooshinka.


Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa uga digay Xildhibaanada in ay carqaladeyn ku sameeyaan fadhiga Baarlamaanka.


Mudo labo jeer ayaa buuq uu kusoo dhamaaday kalfadhiyadii Baarlamaanka uu ka yeelan lahaa mooshinka laga soo qaban qaabiyey madaxtooyada ee ka dhanka Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed.


Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameyn weyn ku yeeshay Baarlamaanka dhexdiisa oo ay labo garab u kala jabeen.


Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo taageersanaa mooshinka kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku sheegeen in ay ka laabteen go’aankooda.