Uncategorized

Kulankii Baarlamaanka oo mar kale fashil ku dhamaadey, Mooshinka mala qaybiyey?

iftineducation.com – Maanta oo Isniin ah waxaa baarlamaanka Soomaaliya lagu balansanaa in mooshinka ka dhanka Ra’iisal Wasaare C/wali la horgeeyo xildhibaanada si ay uga doodaan, balse wararka aynu ka helayno gudaha hoolka baarlamaanka ayaa sheegay in gudoonka ay san ku guuleysan furitaanka fadhiga Baarlamaanka.


Xildhibaan Kulalihi
Xildhibaan Kulalihi
Liiska Xaadirinta xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowr jeer la hor istaagey yeerintiisa ka dib markii xildhibaanada taageersan xukuumada Ra’iisal Wasaare C/wali ay jeex jeexeen liiska labo jeer, Sidoo kalana waxay jeex jeexeen nuqulada mooshinka qayb ka mida.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ku luuqeynaayey heesta calanka Soomaaliya, waxaana wararka u danbeeyeys sheegayaan in Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisu ay banaanka hoolka uga baxeen, waxaana weli sii socdey buuqii iyo bulhankii taagnaa, cabbaar kadib ayuu dib ugu soo laabtey oo weydiiyey in Mooshinkii la qaybiyey, waxaana loo sheegey in la qaybiyey iyo in aan la qaybin Jawaari ayaa sheegay in Mooshinka la qaybiyey, ajandahana la oggolaadey, Xildhibaanaduna ay haystaan muddo shan maalmood ah oo ay ku soo akhristaan mooshinka, Lama garan karo cid oggolaatay, lamana yaqaan xildhibaanada meesha joogta maadaama warqadihii xaadiriska la jeexjeexay.




Xildhibaanada keeney Mooshinka ayaa sheegaya in shan maalmood oo shaqo ay haystaan oo lagu soo akhrisanaayo Mooshinkan, waxaana mar kale dib la isugu soo noqonayaa maalinta Isniinta ah ee 30 Nofeember 2014, markaas oo codeyntu dhacayso.


Waa mar kii saddexaad oo kulanka baarlamaanku jaahwareer ku dhamaado, waxaana hadda la is weydiinayaa talaabada xigta tan, maxay ku qanci doonaan xildhibaanada taageersan madaxweynaha oo Mooshinka keeney? maxay tahay tallaabada uu Jawaari qaadi doono haddii markii saddexaad uu xakameyn waayey fadhigii Baarlamaanka?