Uncategorized

Kubadda Cagta Wax Walba Waa Lagu Arkaa: Taageere Arsenal Ah Oo Xabsiga Loo Taxaabey Kadib Markii Uu Sidan Sa

iftineducation.com – Wargeysyadda Ingiriiska ka soo baxa saakey badi waxaa ay qorayaan in la xirey mid kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal kadib markii la ogaadey in uu fal anshax xumo ah uu kula kacay shaqaalaha tababarka kooxda Manchester United kulankii dhawaa ee ay Manchester United ay Arsenal gurigeeda ku soo garaacdey.


Tageerahan ayaa kadib markii uu ka caroodey natiijadii ciyarta waxaa uu qamri ku shubey kuraastii ay fadhiyeen shaaqaalaha Tababarka kooxda Manchester United.


Waxaana lgu soo waramayaa in taageerahan la soo qabtey oo uu xiranyahy walow aan la xaqiijin karin in ay dacwad ka gudbiyeen kooxda Manchester United iyo in kale.


Waxaa dadka ciyaaraha ka faalooda ay sheegayaan in hadii taageerahan uu ku cadaado danbigaas in uu isagu sameyey laga yaabo in abid laga ganaaxo tagida garoonka Arsenal.


Habeenimadii Sabtida ayey aheyd kadib markii kooxda Manchester United ay 2gool iyo gool uga soo adkaatey kooxda Arsenal kulan ku tirsanaa horyaalka ingiriiska.




RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA