Uncategorized

Ku dhowaad 30-qof oo saarna bas oo lagu laayey Waqooyi Bari Kenya

iftineducation.com – Dabley hubeysan ayaa daraasiin dad ah ku laayey gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo saarna gaari rakaab ah.


Wararka ayaa sheegaaya in ilaa 28-qof oo saarna gaari bas ah oo kasoo ambabaxay magaalada Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi ay jidka u galeen kooxo hubeysan iyagoo kala degay rakaabkii saarna.


Falkan ayaa dhacay aroornimadii hore ee maanta oo sabti ah, waxaana si aad ah uga naxay dadweynaha reer Kenya. Waxaa lala xiriirinaaya in ururka al-Shabaab ka dambeeyo xasuuqan.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka la laayey ay ahaayeen dad aan muslimiin ahayn isla markaana dableydii ay kala sooceen dadka muslimiinta iyo kuwa aan ahayn ee buska saarna.


Saraakiisha Booliska Kenya ayaa baaritaan ku haya falkan iyadoo lagu wado Taliyaha Booliska ee Kenya uu shir jiraa’id qabto.


Magaalada Mandheera ayaa ku taalla xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana hore uga dhacay falal isku jira dilal iyo qaraxyo.


Qaar kamid ah falalkaas waxaa sheegtay ururka xagjirka ah ee al-Shabaab oo tan iyo markii Kenya ay usoo dirtay Ciidamo Soomaaliya 2011-kii kordhiyey weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.