Uncategorized

Jawaari oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti: Sawirro

iftineducation.com – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay dhigiisa Jabuuti Idiris Ama’ud  iyo Kuxigeenkiisa, kadib markii uu maanta gaaray magaalada Jabuuti.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa soo dhoweyn heer sare ah u sameeyay dhigiisa Soomaaliya iyo tiro xildhibaano ah oo maanta gaaray dalkaasi.


Prof. Jawaari ayaa ka qeybgeli doona munaasabadada furitaanka dhisme cusub oo uu yeeshay Golaha Baarlamaanka Jabuuti, wuxuuna Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia uu tilmaamay in ay farxad u tahay ka qeybgalka xafladaasi lagu casuumay.