Uncategorized

Dowladda Puntland oo Cadeysay Mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka

iftineducation.com – Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa lagu cadeeyay mowqifka Puntland ka taagan tahay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.


Qoraalka oo ka kooban todobo qodob ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay khilaafka oo meel sare gaaray, loona baahan yahay in xal loo helo. 


Waxay sidoo kale ka digtay ”in dhaqaale lagu bixiyo abaabul siyaasadeed iyo burburinta maxkamada dastuuriga”.



Hoos ka akhriso mowqifka Puntland;