Uncategorized

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo maanta duqeymo ka geystay duleedka Degmada Jilib

iftineducation.com – Diyaaradaha dagaalka ee Kenya, ayaa waxay duqeymo xoogan ay ka geysteen deegaanka Hargeysa Yarey, oo ku taala duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.


Wararka ka imaanaaya Degmada Jilib, ayaa waxay sheegayaan in Xoogaga Shabaab ay jawaab ka bixiyeen duqeymahaasi, iyagoona hubka lidka diyaaradaha hawada u ganay.


Goobaha la duqeeyay, ayaan la ogayn cidda dhabta ah ee ku sugneyd, balse Hargeysa Yarey waxay ka mid tahay goobaha ay nasiinada u taggaan Saraakiisha iyo Ciidamada Ururka Al Shabaab, ee xilliyada fasaxa ku jira.


Kenya, ayaa waxay ka carootay 28-kii qof ee Sabtidii lagu dilay deegaanka Cumar Jilicow, oo 15km u jirta Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Dadkaasi 17 ka mid ah waxay ahaayeen macalimiinta wax ka dhigta iskuulada Kenya.


Kenya, ayaa tan iyo Sabtidii waday duqeymo xagga cirka ah oo ay ka geysaneyso Gobolada Jubbooyika iyo Gedo, iyadoo markaasi ugu aargudeyso dadkii ay Shabaabku laayeen.


Madaxtooyada Kenya, ayaa Sabtidii ku hanjabtay inay Sharciga horkeeni doonto cidii ka dambeysay weerarkii ka dhacay deegaanka CumarJilicow.