Uncategorized

David Beckham Oo Shil Gaari Galay Xilli Uu Wiilkiisa Ka Soo Kaxeynayay Garoonka Tababarka Arsenal.

iftineducation.com – David Beckham ayaa shil gaaray galay saaka ka dib markii uu wiilkiisa Brooklyn ka soo kaxeeyay garoonka tababarka Arsenal.


Kabtankii hore ee England ayaana ka badbaaday shilkaas oo uu la galay gaari kale.


Shaqaalaha Arsenal ayaana goobta ka ceyriyay dadkii isagu soo xiimar iyadoo Beckham uu ku baxay gaari kale, madaama gaarigiisii hore uu noqday mid aan la isticmaali karin.






Beckham oo 39 sanno jir ah ayaa joogay garoonka tababarka Arsenal ee London Colney isagoo daawanayay wiilkiisa weyn Brooklyn oo u ciyaaraya kooxda 16 sanno jirada ka yar ee Arsenal oo kulan la lahaa Brighton.


Da’ yar u ciyaara Brighton Archie Davies ayaa Twitter ku soo qoray: “Waxaan haatan arkay David Becham oo shil gaari galay, waxa uu ka dhaawacmay garabka.”