Uncategorized

C/weli Gaas oo booqday garoonka Bosaso oo dhismo..: Sawirro

iftineducation.com – Madaxweynaha DGPL Cabdiweli Maxamed Cali `Gaas` ayaa booqasho u guur galid ah ku tegay garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo howlo lagu weyneynayo garoonka ay ka socdaan.


Shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dhawaan bilaabi doonta dhismaha dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha iyo qeybaha kale ee garoonka.


Madaxweynaha Puntland ayaa indha indheeyay qeybaha uu ka kooban yahay garoonka, isagoo la kulmay Injineerada dhiseysa garoonka, kulana dardaarmay in ay xoojiyaan howsha ay u hayaan bulshada Puntland.


Sidoo kale Cabdiweli Gaas ayaa booqashooyin kusoo kala bixiyay goobo ay ka mid yihiin Saldhiga Booliska Boosaaso iyo goobo kale.


Cabdiweli Gaas ayaa kormeer ku jooga magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ee dhaqaalaha ugu badan ugu soo xarooda Puntland.